Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+(SAWIRRO).

Date:

Howlgalkan qorsheeysan ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxey ka fuliyeen deegaanka geel-gub ee degmada Cadalle ee gobolka shabeelaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa yimid Ka dib markii ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ay ka war heleen dhagarta ay maleegayeen kooxda Al-Shabaab,iyadoo ciidanka ay howlgalka ku dileen 8-ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoona qaar kale nolosha lagu qabtay..

Howlgalkan qorsheysan ayaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waxey ka fuliyeen deegaanka geel-gub ee degmada Cadalle ee gobolka shabeelaha dhexe.

Taliyaha ciidanka xooga dalka somaaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo hadlay warbaahinta codka ciidanka ayaa sheegay in ay ciidanka gacanta ku soo dhageen maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa ayaa intaas ku daray in Ciidanka wali ay sii baacsanayaan maleeyshiyaadka Al-shabaab ee ku jabay dagaalka ciidanka xoogga ay ku qaadeen fariisamaha ay ku lahaayeen degaanka (Geel-gub).

Maalmahii u dambeeyay  ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxey ka wadeen gobolada dalka soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...