Dowlada Turkiga oo cambaareesay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Muqdisho.

Date:

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga ee aan walaalaha nahay ayaa si adag maanta u cambaaraysay weerarkii argagixiso ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu,

Warkaasi ayaa intaasi raaciyay Dowladda iyo shacbiga Turkiga waxay aad uga tiiraanyoodeen dhacdadaasi arxanla’aanta ah ee lagu laayay dadkaasi oo ku sugnaa maqaayadda Gelato Divino.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga Warkaasi ka soo baxay ayaa lagu yiri “waxaan Cambaaraynaynaa falkaasi argagixiso ee horonimada ah, waxaanan tacsi u diraynaa shacbiga Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay iyo dowladooda”   waxay dhanka kale wasaaraddu Raxmadda Alle u rajaysay dadkii ku dhintay, kuwa ku dhaawacmay in Alle siiyo caafimaad buuxa oo dag dag ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...