Madaxweyne Farmaajo oo Isbedel ku sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Mudane Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...