Dowladda Soomaaliya oo xarigga ka jartay dhismaha safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ay garab taagan yihiin Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Kenya Ababu Namwamba ayaa xarigga ka jaray dhismaha ay safaaraddu ku shaqayn doonto oo horay u ahaan jiray gurigii safiirka, laakin aan lagu shaqayn muddo 30 sano ku dhow oo burbursanaa.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen safiirrada in ka badan 10 safaraadood oo fadhigoodu Kenya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool magaallada Nairobi waxaa ugu horayn ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in dadaal dheer loo galay soo celinta safaarada, waxuuna bogaadiyay dadkii lacagta ku deegay ee ka eyb qaatay dib u dhiska safaaradda.

Sidoo Kale Wasiirka Arimaha Dibada Soomaalia Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa munaasabadda ka sheegay in safaaraddani ay u adeegi doonto bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Safaaraddan oo wajigii koowaad oo dayactir ah lagu sameeyay waxaa ku baxday 310 kun oo doollar, waxaa dhimman wajiga labaad oo lagu dhisi doono gurigii safiirka iyo qeybta martida oo lagu dari doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...