Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka JFS iyo Hay’adda UNHCR oo ka wada hadlay Arrimo badan oo ay ka mid tahay u gargaarida Dadka bacakacayaasah.

Date:

Kulan fogaan arag ah oo dhexmaray wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta masiibooyinka XJFS Xil. Khadiija Maxamed Diiriye iyo masuuliyiinta UNHCR oo ku aadanaa arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga, Barakacayaasha, Roobka Deyrta iyo Raadadkii ay reebeen fatahadihii dalka ka dhacay.

Madaxda UNHCR ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay hirgelinta sharciga dhowrayo barakacayaasha, waxa ay xuseen in ahmiyad gaar ay u leedahay wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka.

“UNHCR waxaan isla garanay in daryeel dhab ah la siiyo dadka banaanka joogo ee xaalad walba u nugul waqtigan Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo kala qeyb qaadaneyso daryeelka dadka Soomaaliyeed, Weli waxaa muuqdo raadadkii fataahaadda, Roobkii Deyrta ayaa lagu guda jiraa, iyadoo qaar badan oo dadkeena ah ay wajahayaan xaaladdo adag.” ayay tiri Wasiirad Khadiijo.

Wasiirka Gargaarka Xil. Khadiija Maxamed Diiriye oo sii hadleysay waxa ay tiri: “Dadka la rabo inay gacan isa siiyaan waa anaga, aan duceysano iskuna tashano, mar walba waxaan aaminsanahay inaan si wanaagsan isku caawin karno, xaaladdii is-garab-istaaga ayaan ku jirnaa.”

Sidoo kale arrimaha hor-tebinta leh wasaaradda horyaallo waxaa ka mid ah sameeynta Istaraatiijiyadda Maareynta Musiibooyinka.

Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay wasiirka waxaa deeqdii ugu horreysay ay ka timid dowladda Masar, waxana lagu wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si ay u gaarsiiyaan dadka nugul ee caasimadda ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...