Hay’addaha Gargaar ee Caalamiga oo walaac ka muujiyay Xaaladda Bini’aadanimo ee Dalka Itoobiyo ka dib dagaalka halkaasi ka bilowday.

Date:

Hay’adaha samafalka ayaa ka walaacsan xaalada dalka itoobiya waxayna ka digeen halis bani’aadanimo oo ka dhalan karta Dagaalka halkaasi ka bilowday ee u dhaxeeyo dawlada dhexe ee Itoobiya iyo maamulka Tigreega.

Iyadoo maalinkii shanaad uu galay dagaalka ka soconaya waqooyiga itoobiya kaas oo u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo kuwa gobalka tigreega ee TPLF ayaa waxaa soo baxaya welwelka ay qabaan hayadaha gargaarka kaas oo ku saleysan badqabka dadka rayidka ah.

Ururka laan qeybta cas ee caalamiga ICRC ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya waqooyiga itoobiya in ay tix galiyaan nolosha dadka rayidka iyo hantida ay leeyihiin.

ICRC waxaa kaloo ay tilmaantay in dadka aan laga hor istaagin in ay helaan adeeg caafimaad iyo daawo.

Hay’adda ICRC waxaa kaloo ay farta ku fiiqday in ay cabsi ka qabto in xaalada malatari ee ka jirta waqooyiga itoobiya ay sababto dhibaato bani’aadanimo oo balaaran islamarkaana ay ku barakacaan dad badan.

Hay’adda Norwegian Refugee Council ee dalka Norway laga leeyahay taas oo ka shaqeysa arimaha qaxootiga ayaa iyana sheegtay in xaalada itoobiya ka jirto ay sababi karto barakac lixaad leh oo horseeda dhibaato cusub.

NRC waxay tilmaantay in itoobiya ay hada la ciirciireyso barakac xaalada waqooyigana ay arinta sii murjin karto.

Dadka barakaca ku ah iminka gudaha itoobiya ayaa NRC ku sheegtay 1.8 malyuun oo qof kuwaas oo aan haysan hooy iyo cunto ku filan.

Sidoo kale waxaa itoobiya ku nool 790,000 oo ah dad qaxooti ah oo ka yimid wadamada kale ee gobolka geeska afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo shir caalami ah uga qeybgaleen dalka Uganda 

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo kulan Qaahira Wasiirka Arrimaha Barlamaanka dalkaas

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo hishiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa dalka Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan, ayaa maanta...