Beereedyada Gobolka Bakool ayaa ka walaacsan ayax faro badan oo qaybo kamid ah bartamaha iyo koofurta kudagay.

Date:

Inta badan Dhul beereedka gobolka bakool ayaa waxaa ka da’ay roobabka deyrta wallow meelaha qaar ay roob la’aan tahay islamarkaana uu Ayax faro badan ku habsaday.

Haseyeshee Ayaxa oo deegaano ka tirsan gobolka bakool lagu arkay ayaa walwal badan ay ka qabaaan beeraleyda iyo xoola dhaqatada maadaama deegaanada uu ku dago dhibaato badan u geysta haday noqon laheyd baabi’inta dalaga beeraha iyo dhulka daaqa ah.

Isuduwaha Wasaarada beeraha dowlad goboleedka konfurgalbeed soomaaliya ee gobolka bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa sheegay in deegaanada qaar uu ka da’ay roobka deyrta kaasi oo lagu diirsaday wallow uu cadeeyay in cabsi laga qabo ayaxa faro badan oo qeyb ka mid ah dhul beereedka iyo dhulka daaqsinka ah uu ku habsaday.

Dhamaadkii sanadii tagay ee 2019 ayey aheyd markii ayaxa lagu arkay gobolada dalka soomaaliya oo uu gobolka bakool ka mid yahay waxuuna gebi’ahaamba baabi,iyey dalagyadii xilgaas,

Si kastaba beeraleyda gobolka bakool ayaa hada ka niyad jabsan beeraha maadaama lafilan karo in ayaxa oo wax la isaga celiya jirin marlabaad dalagyada aafeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...