Beereedyada Gobolka Bakool ayaa ka walaacsan ayax faro badan oo qaybo kamid ah bartamaha iyo koofurta kudagay.

Date:

Inta badan Dhul beereedka gobolka bakool ayaa waxaa ka da’ay roobabka deyrta wallow meelaha qaar ay roob la’aan tahay islamarkaana uu Ayax faro badan ku habsaday.

Haseyeshee Ayaxa oo deegaano ka tirsan gobolka bakool lagu arkay ayaa walwal badan ay ka qabaaan beeraleyda iyo xoola dhaqatada maadaama deegaanada uu ku dago dhibaato badan u geysta haday noqon laheyd baabi’inta dalaga beeraha iyo dhulka daaqa ah.

Isuduwaha Wasaarada beeraha dowlad goboleedka konfurgalbeed soomaaliya ee gobolka bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa sheegay in deegaanada qaar uu ka da’ay roobka deyrta kaasi oo lagu diirsaday wallow uu cadeeyay in cabsi laga qabo ayaxa faro badan oo qeyb ka mid ah dhul beereedka iyo dhulka daaqsinka ah uu ku habsaday.

Dhamaadkii sanadii tagay ee 2019 ayey aheyd markii ayaxa lagu arkay gobolada dalka soomaaliya oo uu gobolka bakool ka mid yahay waxuuna gebi’ahaamba baabi,iyey dalagyadii xilgaas,

Si kastaba beeraleyda gobolka bakool ayaa hada ka niyad jabsan beeraha maadaama lafilan karo in ayaxa oo wax la isaga celiya jirin marlabaad dalagyada aafeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...