Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa manta Magaalada Sama-reeb ee Caasimada Galmudug ku soo dhaweyay wafdi u hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan
Wafdigaan oo ay qeyb ka ahaayeen Wakiilada Midawga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD J,waxay kulammo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkooda la xiriiraa arrimaha Doorashoyinka, ammaanka iyo Siyaasada dalka.
Sido kale waxaa safarkooda qayb ka ah in Caasimada Galmudug laga hergaliyo Xarun ay ku howlgalaan UN-ka taas oo laga hagidoono howlaha hormarineed ee ay Qaramada Midoobay ka wadan guud ahaan Galmudug.