Pakistan: Qarax ka dhacay Peshawar oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo.

Date:

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhimatay masjid ku yaalla magaalada Peshawar oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan,ka dib markii boorso laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qaraxday gudaha masjidkaasi oo sidoo kale ahaa dugsi lagu barto qur’aanka kariimka.

Qaraxaasi ayaa saaka waaberigii ka ka dhacay masjidka Speen Jamaat  waxaana sidoo kale ay ku dhaawacmay 109-ruux, sida ay sheegeen saraakiisha booliisku iyo maamulka caafimaadka.

taliyaha booliska ee magaalada Peshawar Muhammad Ali Khan ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay xilli caruur badan oo baranaayey qur’aanka ay ku jireen gudaha masjidkaasi.

Baaritaanno hordhac ah ay sheegayaan in 5-6 kiilo oo walxaha qarxa ah oo laga soo buuxiyay boors ay sababeen dhimashada iyo dhaawacyada soo gaaray dadkaasi oo u badan caruur yaryar iyo kuwo qaangaar ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...