Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo soo xiray shirka mashaariicda deegaannada maamulkaasi+Sawirro

Date:

Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa maanta shir usoo xiray degmooyinka iyo gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa boggaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee dowladdaha hoose ee law-7 si uu hirgalo qorshaha maamul daadejinta.

Shirkaan oo maalmo socday waxaa ka qeyb-galay maayarada degmooyinka, isu-duweyaasha, guddoomiyeyaasha gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg, machadka dowladdaha hoose ee puntland, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta puntland oo shirka soo diyaarisay iyo wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

 

 

        

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...