Columbus Ohio: Wacyi-galin loo sameynayo dhalinyarada isticmaasha Daawooyinka daroogada ah.

Date:

Kulankaan looga hadlayey dhalinyarada isticmaasha daawada xad dhaafka ah (Overdose) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio Manta, waxaana soo abaabulay qaar kamid ah waalidiinta magaaladaasi, gaar ahaan Ramlo Jama oo ah Hooyo Caruur  ugu dhalatay Mareykanka, isla markaana ka damqatay dhibaatada haysata dhalinyarada.

Bishii la soo dhaafay oo kaliya seddex dhalinyaro Soomaali ah ayaa u dhimatay isticmaalka daawadaa xad dhaafka ah halka kuwo kale ay la ildaranyihiin dhibaatada ka soo gaartay.
In kasta oo lagu jiro xilli adag oo dadku ka wal-wal sanyihiin Coronavirus, hadana kulankaan waxaa qeyb ka ahaa waalidiin haween u baddan iyo dhalinyaro, waxaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xubno ka socday Hay’adaha caafimaadka Columbus Ohio.
Waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin xanuun baddan iyo Taariikho mugdi galiyay qoysas badan oo xubno qoysaskooda ka tirsanaa ay ku waayeen isticmaalka Overdoseka.
Dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha waxaa qeybta ugu daran hogaamiya is fahmi waaga dhaqanka ee waalidiinta iyo Ubadkooda, mahan wax sahlan in waalid Soomaaliyeed uu soo dhaweysto Wiilkiisa Ama Gabadhiisa oo isticmaashay Daroogo waana sababaha sii fogeeya Ilmaha.
Waaxda caafimaadka ayaa Tibaaxay in dhalinyarada u dhexeysa 16 ilaa 24 gabi ahaan dalka Mareykanka ay halis ugu jiraan isticmaalka daawada xad dhaafka ah, waana cabsi la soo daristay qoys walba.
Muhiimada kulanka ayaa ahaa waalidiinta gaar ahaan Hooyooyinka iyo Ilmaha in laga dhex abuuro is faham sababi kara in ilmaha aysan sii fogaan oo haddii qalad lagu arko la soo dhaweeyo, si dagan oo naxariis ku jirtana looga saaro, waana mid ku adag waalidiinta Soomaalida oo dhaqan ahaan Canaan iyo qeylo Ilmaha ku wajaha waana horseedka in ilmuhu guryahooda ka cararaan una galaan kuwo aan ka naxayn.
Kulmada Noocan ah ayaa lagu balamay in la sii wado tan iyo inta xal laga gaarayo.
                

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...