Hey’adda UNICEF oo war kasoo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho.

Date:

Hey’adda UNICEF ee Qaramada midoobe ayaa cambaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee Soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasi oo shaqo ku jiray.

“Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahanyihiin gaarsiiyaan caruurta nugul ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in UNICEF ay si xoog leh u canbaareyneyso weerarka fuleynimada leh ee lagu dilay shaqaalaha waxayna ka codsatay dowlada soomaaliya baarintaan buuxa.

Weerarada ka dhanka  ah  shaqaalaha gargaarka waxay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...