Madaxweyne Waare oo soo magacaabay xubnihii federaalka ee doorashooyinka.

Date:

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa noqotay maamulkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer Federaal & heer dowlad goboleed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo soo saaray wareegto ayaa ku magacaabay illaa afar xubnood oo HirShabelle ku metalaya doorashada soo socota ee 2020/2021-ka.

Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow ayaa HirShabelle ku metalaya guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Sidoo lale Farxiyo Maxamed Guuleed iyo Liibaan Cusmaan Nuur ayuu Waare u xushay inay HirShabelle ku metalaan guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...