Dacwad ka dhan ah Maxamed Bin Salman oo Mareykanka laga furay.

Date:

Haweeneydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Nowku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C.

VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...