Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulankii ugu horreeyey la qaadatay xubnaha guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhowaan la magacaabay, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Intaasi ka dib, xubnaha guddiga oo hab gacan taag ah ku doortay guddoonka guddiga ayaa guddoomiyaha guddiga u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga iyo xubnaha guddiga kula dardaarantay in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan una qaban qaabiyaan doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...