Ciidanka Xoogga dalka oo dilay 19 maleeshiyaad ah kuwo kalana Nolosha kuqabtay.

Date:

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaan qiyaastii 11 km u jirta degmada Diinsoor ee gobolka Baay, gaar ahaan Tuugaar hoose iyo Laba-warood kadib markii ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaad ka tirsan argagixisada ay isku aruursanayaan halkaasi.

Howlgalkaan oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyey cadowga ayaa ciidanka xoogga waxay ku dileen 19 maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Alshabaab, waxayna nolosha ku qabteen labo dhagar qabe, iyagoo sidoo kale ciidanka gubey laba gaari oo kala ahaa Hoomeey Cabdi-bile sidoo kale dhaawaca ayaa garaaya 23 maleeshiyaad ah.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta codka ciidamadda Qalabka sida u sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goobtii maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku aruursanayeen, isla markaasna khasaare xooggan laga gaarsiiyay cadowga.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobollada dalka kawada howlgalo lagu baacsanayo argagixisada, kuwaasi oo lagu dhabar jabinayo kooxda arxanka darran ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...