๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จo ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐š๐ง๐š๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐š๐ซ๐ข

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari caawo kala qeybgalay xafladda sanad-guuradda koowaad ee kasoo wareegtay asaaska maamulkan, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaala magaalada Laascaanood.

Hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysay oo uu Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ka jeediyay ayuu ku bogaadiyay sida maamulka durba u hano-qaaday, isaga oo u qirey Waqooyi Bari ka maamul ahaan wax badan u qabsoomeen, tahayna in shacabka ay ku faro adeegaan. Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ka goโ€™antahay tabantaabinta Waqooyi Bari oo uu xusey in ay tahay astaan midnimo.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka reer Waqooyi Bari meel walba ay joogaan dal iyo debbadba, wuxuuna bogaadiyey horumarka ay ku tilaabsatay halkaa sanno oo uu jiray maamulka Waqooyi Bari.

โ€œDeegaankaan dad geesiyaal ah ayaa kasoo jeeda, ummadda Soomaaliyeedna raadkaasi ayey daba socdaan, muddo dheer oo uu dagaal ku jiray, haddane ku socdo waa sababtaasi, meel fog baad dadka Soomaaliyeed ugu qorontihiin, hormuudna waa u tihiinโ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha.

Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo maamulkaba in si walaalnimo ah oo daris-wanaag ah kula dhaqmaan dowlad-goboleedyada kale , lana tixgaliyo xiriirka ehelnimo ee bulshada ka dhaxeeya.

Dhanka kale Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa hambalyeey doorashadii qof iyo cod ee dhowaan ka dhacday Galmudug, wuxuuna xusey in meelo kale oo dalkana laga qaban doono, si awoodda shacabka loogu celiyo. Wuxuu cambaareeyay aragtiyada siyaasiyiinta qaar kasoo yeeraya ee ah in talada dalka laga saaro gacanta Soomaalida, taas oo uu sheegay wax aanan marnaba dhici doonin.

Mar uu soo hadal-qaaday caqabadaha waaweyn ee dalka haysta ayuu sheegay in ay kala yihiin kooxagaha argagixisada ee fikradaha qaldan xambaarsan iyo kooxaha siyaabaha kala duwan u abaabul ee horumarka dowladnimo ee dalka diiddan.

Intii ay xafladda socotay waxaa hadalo kooban jeediyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Federaalka oo ay faahfaahiyeen mashaariic heerkii fulinta gaaray ee haatan laga hirgalinayo deegaanadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...