Ethiopia oo mamnuucday in ay diyaarado dul maraan biya-xieenka Webiga Nile.

Date:

Ethiopia ayaa ka mamnuucday in diyaarado dul maraan biyo xireenka laga dhisay wabiga Nile arrimo amni darted, madaxda dulimaadka rayidka Ethiopia ayaa sheegay in Madaxweynaha uu sheegay in mashruuca uu billaabayo soo saarista tamarta muddo 12 bilood gudahood ah.

Sudan, Ethiopia iyo Masar ayaa si weyn isugu khilaafsan dhismaha biyo xireenka, Ethiopia ayaa bishii Luulyo billowday buuxinta biyo xireenka loo yaqaano Grand Ethiopian Renaissance Dam(GERD).“Dhammaan duulimaadyada waxaa looga mamnuucay biyo xireenka sababo amni darteed,”sidaa waxaa sheegay agaasimaha guud ee hey’adda duulista rayidka Ethiopia Wesenyeleh Hunegnaw.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo warisay in agaasimaha uu ka gaabsaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysay joojinta diyaaradaha dul mari jirey biyo xireenka.
Isniintii Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde oo Baarlamaanka la hadlaysay ayaa waxay sheegtay in dhowaan la billaabi doono soo saarist korontada. Waxay intaas ku dartay in shaqada wali socoto isla markaana buuxinta wajiga labaad uu dhici doono 12 bilood ee soo socota.

Bishii Luulyo, Ethiopia waxay buuxisay qeybtii ugu horreysay ee biyo xireenka, waxayna ugu mahadinaysaa xilli roobaadkii la soo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxaa uu bishii hore Qaramada Midoobe u sheegay in dalkiisa uusan wax dan ah ka laheyn dhibaateynta dalalka Masar iyo Suudaan, maalmo ka dib Madaxweynaha Masar waxaa uu ku celiyay walaaca uu ka qabo mashruuca Ethiopia.

Waxaa guuldareystay wada xaajoodyo u dhexeeyay saddexda dal ka dib markii Adis Ababa billowday buuxinta DAM. Biyo xireenkan waxaa uu Ethiopia ka dhigayaa in ay ugu noqto dalka ugu badan ee Tamar dhoofiya. Qiyaastii 15-km ayuu u jiraa xuduudda Ethiopia iyo Sudan wabiga Blue Nile, kaas oo 100 milyan oo Masaarida ah ku dhowaad 90% ka helaan biyaha.

Bishii hore Mareykanka wuxuu Ethiopia ka joojiyay 100 milyan oo dollar ka dib markii Adis Ababa diiday qorshaha Washington ee ku aadan biyo xireenka.
Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa uu sheegay in tani daba socoto markii Ethiopia ay si iskeed ah u go’aansatay in ay buuxiso biyo xireen iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...