Mareykanka oo xulufo u sameysanaya dagaalka uu kula jiro Shiinaha.

Date:

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta oo Talaadadii ka bilaabay magaalada Tokyo kulamo uu la yeelanayo dhiggiisa Australia, India iyo Japan, iyadoo Washington ay dooneyso inay xoojiso taageerada xulafada gobolka maadaama xiriirka uu la leeyahay Shiinaha uu sii xumaanayo.

Safarkan, oo ah kii ugu horreeyay ee uu ku tago gobolka tan iyo bishii Luulyo 2019, ayaa loo dhimay oo hal maalin oo keliya lagu qaatay Japan, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump laga helay COVID-19. Pompeo wuxuu horey u qorsheeyay inuu aado Mongolia iyo South Korea sidoo kale.

Safarka Pompeo wuxuu ku soo aadayaa xili Washington iyo Beijing oo ah labada dhaqaale ee aduunka ugu sareysa ay isku maan dhaafeen arimo badan oo ka imanaya maamulka Beijing ee coronavirus ilaa sharci cusub oo amaanka lagu soo rogay Hong Kong iyo hamiga Koonfurta Shiinaha.

Arrintaan ayaa ku soo aaday xilli ay kulmeen wasiirada arrimaha dibada dalalka India,jaban,Australia, iyo sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

Washington waxay u aragtaa kulanka waxa loogu yeero Quad ee wasiirada arimaha dibada inuu yahay madal lagu xoojinayo mowqifkeeda xulafada gobolka wxaaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibada dowladda India sabrahmanyam Jaishankar,wasiirka arrimaha dibadda Jaban Toshimitsu Motegi,wasiirka arrimaha dibadda Australia Marise Payne iyo Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...