Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay dood-cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka dalka.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed.

“Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.

“Tan iyo markii aan xilka imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.”

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii argagixisada Alshabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

               

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...