Madaxweynaha JFS: “Si aan shisheeye inoo soo faragelin,waa in aan inagu leenahay go’aanka arrimaheena.+sawirro.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

                   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...