Bannaan bax looga soo horjeedo Ra’iisul wasaare Netanyahu oo ka dhacay Israel.

Date:

Isku soo baxyadaasi ka dhacay Jeruslama maallinimadii Sabtida afaafka hore ee halka uu deggan yahay Ra’iisal Wasaaraha Israel Benajamin Netanyahu ayaa waxaa ay galeen usbuucii 12-aad, waxaana dadkaasi ay aad uga soo horjeedeen falalka musuq maasuq ee la sheegay in uu ku kacay Benjamin Netanyahu iyo isaga oo si aan sax ahayn ugu takri falay lacago beesha caalamka ugu yaboohday Israel oo loogu tala galay in wax looga qabto faafitaanka Cudurka Covid-19.

mudaaharaadyo kale oo aan sidaa  u weyneyn ayaa waxa ay ka dhaceen meelaha buundooyinka ahi iyo meelo  kale ee isgooysyada dalkaasi ah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ugu yeraan tobanaan kun dad gaaraya ay isugu soo baxeen banaanbaxyada lagu diidan yahay Maamulka Rii’sul Wasaare Benjamin Netanyahu oo dhowr jeer o hore ugu baaqay in uu xilka iska casilo.

Mudaaharaadyadaasi oo galay usbuuci 12-aad ayaa waxaa kale oo jira caabuqa Covid19 in uu ka jiro gudaha isarel oo la sheegay in ugu yeraan 150 kun oo qof in uu haleelay caabuqaasi covid-19 iyada oo ay u dhinten kun qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Israel.

israel waxaa soo gaaray habadaba dhibaatooyin ku saabsan bur bur dhaqaale oo loo aaneynayo musuq ay ku kacaan madaxda iyo iyada oo uu si xawli ah uu ku socdo xanuunka Covid-19, iyadoo la xiray goobihi ganacsiga warshadihii dugsiyadii iyo goobihii dadku u isugu iman jireen oo ay dowladdu diiday in dadku ay isku yimaadaan,taasi oo keentay in shaqo li’i ba’an ay ka dhacdo Israel oo noqotay boqolkiiba 20 inta shaqo la’aantu  ay ku dhacday mana jirto calaamado mujinaya in ay jirto xukuumad diyaar u ah in ay wax ka qabato dhibaatooyinkaasi shaqo la’aanta ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...