khasaaro nafeed oo soo gaaray Dad qoda macdanta Congo.

Date:

Ugu yaraan 50 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii uu ku dumay god macdanta laga qodo bariga jamhuuriyadda Demoqraadiga Congo, sida ay sheegeen saraakiisha maxaliga ah.

Mashaqadan ayaa ka dhacday goob macdanta laga qodo jimcihii gelinkii dambe ka dib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Kamituga ee koofurta gobolka Kivu.

Barasaabka gobolka Theo Ngwabije Kasi ayaa sheegay in dhacdadan ay ku naf waayeen 50 qof oo u badan dhalinyaro.

Duqa magaalada Kamituga Alexandre Bundya ayaa sheegay in sababta shilkan ay tahay roobabka halkaas ka da’ay taas oo keentay in godadka isku dumaan.”Tirada dhabta ah ee dhimashada wali ma cadda”.

Waxaa uu ku dhawaaqay labo maalmood oo baroor-diiq ah isagoo saraakiisha maxaliga ah ku booriyay in ay soo saaraan meydadka wali ku hoos jira dhoobada.

Sawirro iyo muuqaalo goobta laga soo qaaday oo baraha bulshada la soo geliyay ayaa waxaa ka muuqanayaa boqolaal dad ah oo tuban goobta shilka ka dhacay.

Kummaan qof oo aan xirfadle aheyd ayaa ka shaqeeya macdan qodista dalka Congo, kuwaas oo soo saaray kala bar macdanta Cobalt dunida oo dhan, taas oo laga sameeyo qalabka korantada iyo batariga gaadiidka.

Shilalka ka dhaca goobaha macdanta  jamhuuriyadda demoqraadiga Congo ayaa  caadi ka ah, iyadoo daraasiin dad ah sanad kasta ku dhintaan waxaana loo aaneeyaa qalab xumo iyo tababarka oo ku yar dadka ka shaqeeya macdanta.

Sanadkii hore, dhoobo ku soo rogmatay goob dahabka laga soo saaro waxaa ku dhintay 16 ruux shilkaas oo dhacay bishii October, iyadoo 43 ruux  shilkaas mid lamid ah ay ku naf waayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...