Golaha ammaanka QM oo muddo kordhin u sameeyay Xafiiska UNSOM.

Date:

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa fadhi gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Cod aqlabiyad ku ansixiyay in hal sano oo kale loogu daro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana muddo xileedkooda ay sii wadi doonaan illaa 31-ka Bisha Agoosto 2021.

“Qoraarka tirsigiisu yahay 2540 oo ay Golaha Ammaanka ee QM wada aqbaleen waxa uu ka codsanayaa Howlgalka UNSOM inay sii wadaan, siina xoojiyaan joogitaankooda gudaha Soomaaliya iyo dhammaan Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Fedeeralka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka oo la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaadka Sanadkaan 2020/2021.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...