Arday ka gashay kaalimaha hore Imtixaankii Dugsiga dhexe ee Bakool oo la abaalmariyay +Sawirro.

Date:

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Koofur galbeed iyo maamulka gobolka Bakool ayaa ka qeyb galay xaflad lagu  dhiirri galinayay 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaanka fasalka 8-aad  ee dugsiga dhexe, kaas oo ay qaadday wasaaradda waxbarashada Koofur galbeed.

Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa lagu boggaadiyay guusha 10-ka arday ay ka gareen imtixaanka iyo dadaalladii ay muujiyeen.

Qaar kamid ah 10-ka arday ee ugu sarreeyay natiijada imtixaanka dugsiga dhexe ee Koofur galbeed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay soo hooyeen.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi oo ugu hambalyeeyay ardayda guusha ay gaareen ayaa bulshada faray in wacyigelin laga sameeyo meelaha aan waxbarashadu ka jirin, si loo fahmo qiimaha waxbarashada.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro,xildhibaanno, maamulka gobolka,golaha deegaanka  degmada Xudur, waalidiin iyo marti sharaf kale waxaana ugu dambeyn shahaado sharaf la guddoonsiiyay qaar kamid ah ardayda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...