Dowladda Nigeria oo aqbashay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi.[Sawirro]

Date:

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Danjire Jamaal Maxamed Barrow.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalkaasi Nigeria ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u magacowday dalkaasi  Danjire Jamaal Maxamed Barrow, ayada oo ciidamada Qaranka wadanka Nigeria uu ka qaatay salaam sharafeed gaar ah.

Intaasi kadib Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, isagoo xusay inay xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Labada dal.

Dalalka Soomaaliya iyo Nigeria ayaa xariir qoto dheer hore ugu lahaa, waxaana burburkii dalka kaddib uu ahaa mid gaabis uu ku yimid maadaama dowladii dhaxe ee dalka ay meesha ka baxday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo celisay xariirka kala dhaxeeya dowladda Nigeria oo ka mid ah wadamada ugu horreeya Qaaradda Afrika, waxaana Danjire Jamaal Maxamed Barrow horyaala howlo badan oo ah kor u qaadista xariirka labada dowladood iyo soo nooleynta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada wadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...