Dowladda Federaalka oo agab loogu talogalay lasocoka is beddelka cimillada geysay Kismaayo.

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada

Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii.

Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa “G” oo dhigaya in dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka.

“Soomaaliya kuma sii jiri karto musiibooyinka isu badbadala sida abaar, fatahaad iyo dabeylo (oo hadda nagu soo batay), dowladda Soomaaliya waxey go’aan ku gaartay in la helo xal-waara, waxey taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno sidii loo heli lahaa hey’addo karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha-nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.” Sidaasi waxaa yiri sii hay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa.

Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda.

Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in agabkan uu wax weyn ka badali doono siyaabihi ay digniinaha u gaarsiin jireen bulshooyinka ku nool gobalada iyo degmooyinka jubaland.

“Waxaan u mahadcleinaynaa wasaaradda oo maanta ina soo gaarsiisay agab isugu jira kombuutarro, shaashado lagala socda habka-isbadalka cimilada iyo aalado kale oo muhiim u ah noona fududeynaya gudashada waajibkeenna.” Ayuu yiri

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkaan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...