Madaxweynaha Hirshabeelle oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Degmada Warshiikh.+Sawirro.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay halkaasi.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayeen Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Hirshabelle, wasiir ku xigeeno,xildhibaano,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle, waxaa Warsheekh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xarigga ka jaray mashaariic dan guud ah oo laga hirgeliyay Degmada Warsheekh, isagoo sidoo kale daahfuray gogol dib u heshiisiineed oo beelaha dega degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

Madaxweynaha Hirshabelele ayaa Degmada Warsheekh kula kulmay Maamulka Degmadaas iyo Xildhibaanada Golaha deegaanka,waxa uuna kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen midnimada iyo ammaanka degmada ku taal xeebta Badweynta Hindiya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...