Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.
Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si heyโaddaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.
Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha heyโaddaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada
Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii.
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa โGโ oo dhigaya in dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka.
โSoomaaliya kuma sii jiri karto musiibooyinka isu badbadala sida abaar, fatahaad iyo dabeylo (oo hadda nagu soo batay), dowladda Soomaaliya waxey goโaan ku gaartay in la helo xal-waara, waxey taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno sidii loo heli lahaa heyโaddo karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha-nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.โ Sidaasi waxaa yiri sii hay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa.
Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda.
Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in agabkan uu wax weyn ka badali doono siyaabihi ay digniinaha u gaarsiin jireen bulshooyinka ku nool gobalada iyo degmooyinka jubaland.
โWaxaan u mahadcleinaynaa wasaaradda oo maanta ina soo gaarsiisay agab isugu jira kombuutarro, shaashado lagala socda habka-isbadalka cimilada iyo aalado kale oo muhiim u ah noona fududeynaya gudashada waajibkeenna.โ Ayuu yiri
Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkaan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.