Muhaajiriin Ku dhimatay xeebaha dalka Libiya.

Date:

Ugu yaraan 45 qof oo Afrikaan muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Libiya taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd oo sanadkan ku dhimata badda Mediterranen, sida ay Qaramada midoobe sheegtay Arbacadii.

War qoraal ah oo ka soo baxay, hey’adda UNHCR iyo IOM ayaa lagu sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah wali ku howlan yihiin sidii ay u soo badbaadin lahaayeen dadka dhibaatada ku habsatay.

“Ku dhowaad 37 qof ee la soo badbaadiyay waxay badankood ka yimaadeen dalalka Senegal, Mali, Chad iyo Ghana, waxaana soo badbaadiyay kalluumeysato maxali ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dadka degaanka ayaa shaqaalaha hey’adda IOM ku wargeliyay shilkaas iyadoo 45 ruux ee dhimatay ay kamid yihiin shar carruur ah, sababta shilka sababtay ayaa lagu sheegay in doontii dadkaas la socdeen uu matoorkeeda uu qarax ka dhashay xilli ay ku sugneyd xeebta Zuwahra.

Dalka dagaalada la degeen ee Libya ayaa marin muhiim ah u ah muhaajiriinta ka imaanaysa Afrika ee doonaya qaaradda Yurub, hadda waxaa ku sugan Libya 654,000 oo muhaajiriin ah waxayna ku nool yihiin xaalad adag oo ay ku yar tahay helitanka adeega caafimaadka ee aas aasiga ah.

Bilihii u dambeeyay, boqoaal muhaajiriin ah ayaa lagu joojiyay xeebaha dalkaas kuwaas oo dalka lagu soo xeliyay xilli dalka Libya wali khatartiisu aad u sareyso.

Markab Libya leedahay ayaa mas’uul looga dhigay in uu soo badbaadiyay dadka ku maqan biyay waxaana mashruucaas maalgelinaysa Midowga Yurub in ka badan 7,000 oo muhaajiriina ah ayaa dalka lagu soo celiyay sanadkan, sida lagu sheegay bayaanka QM ka soo baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...