Faafaahinta Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Liido.

Date:

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan argagixisada Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyay ku bilowday ka geystay Hotel Elite oo ku yaala xeebta Liido ee degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho,sida uu SONNA u sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

“Koox hubeysan oo katirsan Xagjirka Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax iyo dabley hubeysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaa hadda ka dhaceysa gudaha Hotel-ka”. ayuu yiri Oranjo.

Qarax ayaa  sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay iyo kow ku sugnaa goobtaasi oo mas’uuliyiin ay kujiraan, sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii waaxda xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq cabdullaahi Cabdi,sidoo kale waxaa dadka dhaawacmay kamid ahaa Maxamed Cabdi Xuseen(Caraaye) oo ka tirsan shaqaalaha Filimqaadayaasha ah ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tacsiyadeeyey geeriga agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerarkaasi.

dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa loo qaaday xarumaha caafimaad,iyadoo isbitalka Digfeer la dhigay dad badan oo dhaawacyo qaba iyo goobo kale caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...