Qaban qaabadii ugu dambeysay iyo shirka Dhuusa-marreeb.

Date:

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambesay furitaanka ee shirka wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah.

Shalay waxaa garaay Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo ah shir guddoonka shirka iyo sidoo kale guddiga farsamada ee sameynta habraaca doorasha oo maalmahaan ku shirayay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dhuusamaareeb waxaa ku suga madaqweynayaasha dowlad goboleedyada Koofur -Galbeed iyo Hirshabeelle waa Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafta-Gareen)  Maxamed Cabdi Waare  iyo sidoo kale wasiiro heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa saakay ku wajahay magaalada dhuusamareeb Madaxweynayaasha Dowlada goboleedyada Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxii kusoo kordha halkaasi kala soco.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...