Wasiir Goodax iyo wafdi uu hoggaanimayo oo saakay ku wajahan Gobolka Gedo.

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo sii  hayaha xilka Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inuu gaaro Gobolka Gedo, gaar ahaan Magaalooyinka Garbahaarreey,Luuq iyo Baladxaawo.

Mudane, Goodax ayaa marka uu gaaro Caasimadda Gobolka Gedo ee Garbahaareey waxaa uu dhagax dhigi doonaa goobo waxbarasho oo qeyb ka ah mashruuca horumarinta Dugsiyada waxbarashada Dalka isagoo usii gudbo doona Magaalada Luuq.

Sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa waxay safarkooda kusoo gaba-gabeyn doonaan Magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada Gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...