Dowladda Iran oo Ka digtay khatarta ka dhalan karta heshiiska dhex maray Israel iyo UAE.

Date:

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in tallaabada ay qaadday dawladda Emirate-ka  oo ay ku sheegtay in ay xiriir  la yeelanayso Israel ay tahay arrin khatar ku ah dalalka islaamka ee ku yaalla bariga dhexe.

Iran waxaa ay intaa ku dartay in ay meesha ka muuqato khiyaano iyo lugooyo lala damacsan yahay shacabka reer Palestine iyo qadiyadda difaaca dhulka Palestine, laguna doonayo in dhabarka laga jabiyo awoodda iyo wada jirka shacabka reer Palestine.

Hassan Rouhani wuxuu sidoo kale sheegay in dawladda Iran ay ka digayso khatarta ka dhalan karta heshiiskaas, isla markana uu dawladda Emirate-ka u sheegayo in aysan u suurta geli doonin gudaha dalalka bariga dhexe iyo dalalka islaamka inay ku dhex furto qadiyadda Israel, isla markaana ay muhiim tahay inay ogaato falcelinta ka imaan karta dalalka islaamka ee bariga dhexe inay fashilin doonto heshiiskooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...