Dowladda Iran oo Ka digtay khatarta ka dhalan karta heshiiska dhex maray Israel iyo UAE.

Date:

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in tallaabada ay qaadday dawladda Emirate-ka  oo ay ku sheegtay in ay xiriir  la yeelanayso Israel ay tahay arrin khatar ku ah dalalka islaamka ee ku yaalla bariga dhexe.

Iran waxaa ay intaa ku dartay in ay meesha ka muuqato khiyaano iyo lugooyo lala damacsan yahay shacabka reer Palestine iyo qadiyadda difaaca dhulka Palestine, laguna doonayo in dhabarka laga jabiyo awoodda iyo wada jirka shacabka reer Palestine.

Hassan Rouhani wuxuu sidoo kale sheegay in dawladda Iran ay ka digayso khatarta ka dhalan karta heshiiskaas, isla markana uu dawladda Emirate-ka u sheegayo in aysan u suurta geli doonin gudaha dalalka bariga dhexe iyo dalalka islaamka inay ku dhex furto qadiyadda Israel, isla markaana ay muhiim tahay inay ogaato falcelinta ka imaan karta dalalka islaamka ee bariga dhexe inay fashilin doonto heshiiskooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...