DFS oo dalka kusoo celisay maxaabiis ku xernayd Tanzania. “Sawirro”

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay maanta dalka dib ugu soo celiso 17 muwaaddin, kuwaas oo u badnaa maxaabiis laga soo daayay xabsiyo ku yaalla dalka Tanzania.

Maamulaha hay’adda IOM u qaabilsan illaalinta iyo caawimaadda muhaajiriinta, Isaac Munyae ayaa sheegay in ay qorsheynayaan howlo gudaha Dalka Soomaaliya looga fidinayo muhaajiriinta laga soo celiyo xabsiyada Caalamka.

Qorshaha  lagusoo daayay maxaabiista ayaa waxaa gacan ka geystay Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dalka Ambassador, Maryan Yaasiin, Wasaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hay’adda IOM Somalia iyo Tanzania iyo Safaraadda Soomaaliyeed ee Dalka Tanzania.

Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay munaasabad loo sameeyay dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay hay’adihii juhdiga iyo dedaalka ku bixiyay soocelinta dadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...