Dalka Sudan oo ay ka dhaceen dagaal beeleedyo lagu hoobtay.

Date:

Ciidanka amniga ee dalka Sudan ayaa adkeeyay amniga gobolka dhaca badda Cas sidoo kalena waxaa ay ku soo rogeen Bandow magaalada Porta Sudan kadib markii 32 ay ku dhinteen isku dhac u dhexeeya labo qabiil, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sudan ayaa ku jirta hal sano oo kamid ah saddexdii sano ee kala guurka ka dib markii xukunka laga tuurey Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir, xukuumadda ayaa wajahaysa caqabado dhowr ah oo ay kamid tahay nabad geliyo xumo ka jirta dhowr gobol oo dalkaas kamid ah iyo mushkulan dhaqaale oo aad u daran oo dalka heysata.

Ciidanka amniga ayaa xirey 85 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii u dambeeyay oo ay ku dhaawacmeen 98 qof, saraaakiisha maxaliga ah ayaa bandow ku soo rogay magaalada Port Sudan si kala dambeynta loo soo celiyo, sidaa waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Ciidanka amniga ayaa kamid ah dadka waxyeelada kas oogaartay dagaalka.

Warbaahinta gudaha ayaa kuwarantay in dagaalka uu u dhexeeyo labo qabiil oo kala ah Beni Amer iyo Nuba oo khilaaf soo jireen ah ka dhexeeyo.

Wakiilada labada qabiil ayaa saxiixay heshiis dib u heshiisiineed bishii September ee sanadkii hore kolkaas oo isku dhacyo lagu hoobtay dhexmareen labadan qabiil.

Xukuumadda ayaa ciidan u dirtay gobolkasi loo soo celiyo sharafta iyo ku dhaqanka sharciga ee gobolka sidoo kalena la adkeeyo nabad geliyada iyo amniga, sidaa waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Talaabooyinka amniga ah ayaa u horseedi doona in xaaladda la dejiyo, dekadda Sudan waxaa sidoo kale shidaalka ka dhoofsada dalka Suudaanta Koofureed.

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa mar sii horreysay sheegay in uu shir-guddoomiyay dhowr kulan todobaadkii hore oo arrintan looga hadlayay waxaana ka qeybgalay hogaamiyeyaasha labada dhinac iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda bariga dalka Sudan si xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee gobolka xaliyo.

Hamdok ayaa hadda hogaamiya xukun rayid ah oo si ku meel gaar ah dalka u maamulaya sadex sano ka dib heshiis awood qeybsi ah oo ay la galeen militiriga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...