Galmudug oo qorsheynaysa tubta horumarinta waxbarashada.

Date:

Wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxmed Xaashi Dhoorre oo kormeeray habka uu u socdo sixitaanka Imtixaanaadka Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe ay u socdaan sidii loogu tala galay, Saddex Cisho ka dibna lasoo gaba-gabayn doono sida uu qorshuhu yahay.

Mudane, Dhoorre oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay kormeer ku sameeyeen Dugsiyada Dhuusamareeb iyo Caabud-waaq ayaa bogaadiyay howl-wadeennada gacanta ku haya habsami u socodka sixidda Imtixaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sameynayaan qorshe ku aaddan horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Galmudug ,sida dhammaystirka Macallimiinta, sare u qaadidda aqoontooda bare-nimo, in loo helo mushaarkooda, dayactirka iyo hirgelinta Iskuullo cusub, isagoo intaa ku daray in ay kala kaashanayaan hay’adaha waxbarshada ka shaqeeya.

Ugu dambayn Wasiir, Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa sheegay in Ardayda ka baxday Dugsiyada sare ee Galmudug ay tiradoodu aad u hooseyso, wuxuuna hay’adaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ka codsaday in ay ka caawiyaan fulinta barnaamijyo lagu wacyi-gelinayo Bulshada, si ay ugu baraarugaan faa’iidada tacliinta, loona kordhiyo is-qorista Ardayda aadaysa waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...