Galmudug oo qorsheynaysa tubta horumarinta waxbarashada.

Date:

Wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxmed Xaashi Dhoorre oo kormeeray habka uu u socdo sixitaanka Imtixaanaadka Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe ay u socdaan sidii loogu tala galay, Saddex Cisho ka dibna lasoo gaba-gabayn doono sida uu qorshuhu yahay.

Mudane, Dhoorre oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay kormeer ku sameeyeen Dugsiyada Dhuusamareeb iyo Caabud-waaq ayaa bogaadiyay howl-wadeennada gacanta ku haya habsami u socodka sixidda Imtixaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sameynayaan qorshe ku aaddan horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Galmudug ,sida dhammaystirka Macallimiinta, sare u qaadidda aqoontooda bare-nimo, in loo helo mushaarkooda, dayactirka iyo hirgelinta Iskuullo cusub, isagoo intaa ku daray in ay kala kaashanayaan hay’adaha waxbarshada ka shaqeeya.

Ugu dambayn Wasiir, Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa sheegay in Ardayda ka baxday Dugsiyada sare ee Galmudug ay tiradoodu aad u hooseyso, wuxuuna hay’adaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ka codsaday in ay ka caawiyaan fulinta barnaamijyo lagu wacyi-gelinayo Bulshada, si ay ugu baraarugaan faa’iidada tacliinta, loona kordhiyo is-qorista Ardayda aadaysa waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...