Shir looga hadlayo horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Date:

Shir looga hadlaayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug ,ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socda xafiiska Raโ€™iisul wasaaraha dalka,wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS,dadka ka shaqeeya biyaha iyo waraabka beeraha iyo maamulka magaalda Dhuusamareeb.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha,waxaa ka hadlay Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed,isgoo sheegay in in qeyb weyn uu ka qaadan doonaan horumarinta biyaha.

Agaasimaha waaxda biyaha Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahani yahay mid lagu horumarinayo kheyraadka biyaha dalka, la tashina lagala yeelan doono dadka ka shaqeeya arrimaha biyaha.

Guddoomiye ku xigeenka arirmaha bulshada magaalada Dhuusamareeb C/xakiin Cabdullaahi Warsame ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan mashruucaan hormarinta biyaha.

Mashruucaan ayaa hadduu dhaqan galo noqon doono mid ay ku mahdiyaan dadka ku nool deegaannada Galmudug oo qaarkood aysan helin biyo nadiif ah oo ku filan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...