Madaxweyne Farmaajo “Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Looga Baahan Yahay In Ay Ku Kalsoodaan Hor U Socodka” Sawirro

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay.
“Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...