Orad-yahanno Tartan Uga Qeyb-Galay Koonfur Galbeed, Daawo “Sawirro”

Date:

Tartankaan oradka ah wuxuu qeyb yahay, tartamo isdaba joog ah oo jaaliyadda Koofur-galbeed Soomaaliya ee Waqooyiga Ameerika ay u qabanayaan dhalinyarada degmada Xudur, kaas oo loogu gol leeyahay dhiirigelinta da’yarta jecel sportiga, waxaana fududeeyey orad yahan Cabdi Warsame Isaak oo gobolka bakool ku matali jirey tartanka marathonka.

Waxa ka qeybgalay tartanka oradka lagu qabtay duleedka magaalada xuddur 20 cayaar yahan oo lasoo xuley waxayna ordeen 1,500M, waxana goob joog ka ahaa wasiiro Koofur-galbeed ka tirsan, xildhibaano, maamulka gobolka, maamulada degmooyinka Xuddur, TIyeeglow, Rabdhuure, guddiga isboortiga iyo boqolaal dadweyne dhalinyaro ubadan oo u soo daawasho tagay.

Garsoorayaasha ayaa firimbiga u yeeriyay cayaartooyda, kadibna waxaa bilowday oradkii oo ay daba socdeen garsoorayaal iyo dhakhaatiir loo diyaariyey in ay caawiyaan qofkii xaalad caafimaadaro lasoo derista.

Cayaartoyda uma dhameystirneyn agabka lagu ordo, waxay isugu jireen qaar kabo la’aan orday kuwo dacaswatay iyo kuwo buud caadi ah xirnaa, waxaa la sugaaba 3 cayaartoy ayaa ku guuleystay waxana kaalinta koowaad galay Mowliid Xasan Cabdulaahi, kaalinta 2 aad Mursal Xasan, iyo Maxamed Macalin Cali oo galay kaalinta 3 aad, iyadoo suxid mudan tahay in sedexda cayaartoy ee guusha raacday ay xirnaayeen Dacas iyo kabo caadi ah waxana lagu doonsiiyey bilLado iyo hadiyadihii loogu talagalay.

Waa marathonkii ugu horeeyay oo lagu qabtay Xuddur, muddo shan sano ka badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo...

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka  Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta...

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud...