Ciidamada Puntland Oo Howlgal Ku Dilay Xubno Ka tirsan Daacish.

Date:

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland PSF ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay dhulka buuraleyda ah ee Gobolka bari , halkaas oo ay ku weerareen xubno ka tirsan Daacish.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka sigaar ah looga fuliyay deegaannada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, isla markaana dagaal deegaannadaasi ka dhacay ay ku dileen 20 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish.

Waxaa sidoo kale Qoraalka lagu sheegay in dad kale lagu dilay uu ku jiray sarkaal sare oo ajanabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tabbarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jiray sida la sheegay Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka ee Soomaaliya jooga ilaa 2014-kii sida warkaasi ka soo baxay saraakiisha howlgalkaasi hogaamineysay lagu sheegay, howlgalka oo lagu bur buriyay xarun keyd u ahayd kooxda Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...