Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Xildhibaannada Laga Soo Doorto Deegaannada Jubbaland.

Date:

Madaxweynaha dowlad Goballeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee ku matala Jubbaland.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ayaa waxaa uu ahaa mid la isku xog wareystay Xaalada guud ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan deegaanada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu dhamaan Xildhibaanada maamulkaas ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre, Madaxda maamul Gobaleedyada dalka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyadoo halkaas uu uga furmay Shir looga tashanayo arrimaha Doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...