Alshabaab Oo Biyaha Webiga Ku Soo Fasaxay Beero Ku Yaal Aw-Dheegle “Sawirro”

Date:

Maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab, ayaa biyaha ku fatahay beeraha ku yaala degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Ibraahim Aadan Cali Najax, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab biyaha webiga Shabeele ku fasaxeen beeraha degaanada Aw-dheegle.

“Maleeshiyadda Al shabaab ayaa biyaha wabiga ku fasaxay Beeraha Awdheegle si ay u dhibaateyan dadka shacabka ah Maamulka Degmada Awdheegle oo ku baxay Biyaha ayaa ku howlan xakameyntooda ,iyadoo Jawaano carro ah oo aan horay u geenay Awdheegle ay kula tacalaaayan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Degaano badan oo ku teedsan webiga Shabeelaha gaar ahaan tuulooyinka ka tirsan degmada Afgooye, waxaa fara ba’an ku haya fatahaadda uu webiga ku sameeyay halkaas oo dad aad u badan hoy la’aan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...