Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo wata banbaanooyinka gacanta oo la qabtay

Date:

Taliska Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen  ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyadii gacanta kula jirtay.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miinooyin ah oo  maleeshiyada Al-Shabaab ay ku duugeen Xaafada Shaqaalaha gaar ahaan aagga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Ciidanka nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Ibraahin iyo Abuukar Cabdi Yaxye oo maleeshiyada u qaabilsanaa isu gudbinta miinooyinka,dhigista iyo qarxintoodaba, waxeyna qirteen in ay gacanta kula jireen xilliga ay ciidamadu soo qabanayeen sida taliska NISA ee Jubbaland ay sheegeen.

“Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka NISA ee Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...