Wasiirka Boostada Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay Kulanka Guddiga Maamulka Hay’Adda Isgaarsiinta Qaranka

Date:

Wasiirka Boostada iyo isgaariista XFS mudane ENG Cabdi Canshuur Xasan ayaaa maanta ka qeybgalay Kulanka Guddiga Maamulka (Board) ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ).

Wasiirka Canshuur ayaa xubnaha Guddiga la wadaagay waxyaabaha ay Dowladdu ka fileyso kulankan oo ay ugu muhiimsan tahay dhaqan-gelinta go’aamadii ka soo baxay shirkii la qabtay la qabtay 15-kii Juun ee ay ka soo qeyb galeen shirkadaha Isgaarsiinta bixiya (MNOs), HIQ, Wasaaradda iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka, kuwaas oo ah in go’aamada ka soo baxaya HIQ la marsiiyo hannaanka uu sharcigu dhigayo sida kulankan oo kale, ka dib marka lagala soo tashto dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Sidoo kale wasiirka boostada ayaa shegay Xilligan Wasaaradda iyo xukuumadda guud ahaanba in ay ah ahmiyad gooni ah u leedahay bixinta rukhsadaha isgaarsiinta si shirkadaha looga dhigo kuwo ku shaqeeyo nidaam sharciyeed, kadibna ay u qaataan rukhsadaha kale ee khuseeya sida rukhsadda lacagaha taleefoonka lagu gudbiyo ee uu diyaariyey Bangiga Dhexe ee Dalka (MMT).

Bixinta rukhsadaha Isgaarsiinta waa halbeeg muhiim u ah qorshaha deyn-cafinta dalka, waxaana idinka filanaynaa in aad howshaan ku soo gabagabeyn doontaan waqti kooban.
Wasiir canshuur “Go’aamada ka soo baxa kulankiina waxa aad la soo wadaagi doontaan Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ka dib kala tashan doonta Wasaaradda Maaliyadda arrimaha khuseeya qiimayaasha.

Ugu danbeeyn Wasiirka Boostada iyo isgaariista XFS mudane ING Cabdi Canshuur Xasan ayaa kula dardaarmay Guddiga iyo Maamulka Hay’addaba inay dadajiyaan hawlaha horyaalla si loo dhammeystiro nidaaminta suuqa isgaarsiinta Soomaaliya oo ahmiyad u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...