Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo dib u bilaabeysa Bixinta Baasaboorka.

Date:

Muqdisho(SNTV)-Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Haddaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:
-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).
-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qof kasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, Hey’addu (HSJ) waxay ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

Saacaddaha qabashada araajida waa: 8:00am – 12:00 pm.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay...

Jordan oo Sheegtay in Israa”iil xudgudub ku samaysay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Jordan oo Sheegtay in Israa’iil ay Xadgudub ku...

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay...

Natiijada doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqi doona natiijada...