Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Date:

Marxuumka oo maalmahan xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal gaar ah oo ku yaalla Magaalada Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland , Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii.

Waxa kale oo uu soo noqday madaxweynihii 2-aad ee Puntland, isaga oo si KMG ah xilka u hayey muddo kooban oo ku siman illaa lix bilood.

Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo war ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray ehelladiisa iyo dhammaan Puntland , Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryey inuu ka wraaabiyo Jannadiisa Firdowso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...