Ardayda fasalka 8-aad oo Maanta u fariisatay Imtixaanka mideysan ee Dowladda

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Maanta oo Sabti ah u fariistay Imtixaanka shahaadiga Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe Ardayda Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hambalyo u diray Ardayda Maanta u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.

Imtixaanka ayaa la filayaa in uu Maanta si wadajir ah uga billawdo maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir, waana markii ugu horreysay oo imtixaan noocan ah lagu qabto Dalka ka dib burburkii Dowladdii dhexe.

Wararka laga helyaao Gobolada Dalka ayaa sheegaya in Ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee Magaalada Dhusamareeb ay u Fariisteen imtixaanka Shahaadiga ah oo loo qaadayo si Mideysay,waxaana Tirada u Fariisatay ay gaaraysaa 222 Arday.

Imtixaankan ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhoore wuxuuna ardayda ku nool deegaannada Galmudug u rajeeyay in ay guuleystaan.

Tirada guud ee u Fariisatay Galista imtixaankan Dugsiga Dhexe ee Fasalka 8aad ayaa ah 2,561 Arday Dhamaan deegaannada Galmudug, waxa uuna ka dhacayaa 18 Goobood sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada maamulkaasi.

Wararka naga soo gaaraya Magaalaa Kismaayo ayaa iyana sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada uu daahfuray imtixaanka dugsiga dhexe, kaasoo maanta ka furmay guud ahaan dalka.

Ardayda u fariisatay imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad ee deegaannada Jubbaland ayaa gaareysa 2,360.

Deegaanada Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa iyagana loo fariistay Imtixaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...