Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS Oo Ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobollada Waqooyi

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxey Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeesheen,iyagoo ka doodayay Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...