Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Date:

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi, is-dhaafsiga waayo-aragnimada maamulka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadajirka, wada-shaqeynta iyo horumarinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Golaha Xukuumaddii hore doorkii ay ka soo qaateen dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Koonfur Galbeed, isagoo xusay in dowladdu ay ka faa’iideysan doonto khibradaha iyo talooyinka masuuliyiinta hore si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee Dowlad Goboleedka.

Xubnihii golaha xukuumaddii hore ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan Maamulka Koonfur Galbeed, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarka deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...